Labada xisbi siyaasadeed ee Maraykanka waxaa astaan u ah xayawaan:
Dimoqraadiga waa dameer, Jamhuuriga na maroodi.
Waxayna astaamahooda ku dhejiyaan meel walba: Koofiyadaha, biinanka, funaanadaha iyo koobabka.
Balse sidee tani ku timid?
Astaanta dameerka waxay ka soo billaabatay ololahii madaxweyne Andrew Jackson 1828-kii.
Mucaaradkii Jackson ayaa ugu yeeray jackass – oo ah magac kale oo loo adeegsado dameerka
Laakiin Jackson ayaa qosolka ku dambeeyay. Waxa uu boorarkiisa ololaha ku sawiray dameero - wuuna guulaystay.
Farshaxan sameeyayaasha ayaa sii waday xiriirinta Dimuqraadiyiinta iyo dameeraha.
Waxaa ugu caansanaa Thomas Nast, oo loo yaqaan "Aabbaha Kartoonka Mareykanka."
Waxa kale oo loo tiriyaa inuu caan bixiyey maroodiga Jamhuuriga.
Sawirradiisa waxay ku soo baxeen Harper's Weekly 1870-yadii.
Laakiin maroodiga Jamhuurigu wuxuu muddo ka hor ka soo muuqday wargeyskii taageersanaa ololaha Lincoln ee Father Abraham.
Maroodi kor u haya boor loogu dabaal degayo guulihii militariga Midowga
Waxa uu ka yimid oraahda "aragtida maroodiga," oo ay askartu adeegsadeen intii lagu jiray Dagaalkii Sokeeye, oo la macno ah "ka qayb qaadashada dagaalka."
Qaadashada Jamhuuriga ee maroodiga ayaa sii xoogaysanaysay muddo ka dib.
Madaxweyne Gerald Ford iyo xaaskiisa, Betty, waxay "qol maroodi" ku lahaayeen gurigooda California.
1984-kii, madaxweyne Ronald Reagan ayaa waxaa maroodi ilmo ah siiyey madaxweynihii Sri Lanka.
Maanta, Jamhuuriyiinta ayaa u aqoonsan maroodiga inuu yahay astaanta rasmiga ah ee xisbiga.
Waxaa qoray; Yass Monem iyo Vanessa Johnston, waxaa tifaftiray Sharon Shahid, Mia Bush. Waxaa soo jeedinaya Ahmed Ali Sheikh.
Madal