Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bandhigga VOA: Dhallinyarada Soomaalida ee Mareykanka iyo siyaasadda

JAMAL OSMAN, CITY COUNCILOR
JAMAL OSMAN, CITY COUNCILOR

WASHINGTON - Jiilka da'da yar ee ku dhashay ama ku barbaaray dalkan Maraykanku waxay taariikho waaweyn ka soo hooyeen dhinaca siyaasadda Maraykanka, waxay fadhiisteen kuraas badan oo laga go’aaminayey siyaasado taabana noloshooda iyo tan bulshada muslimka ah ee ay wada nool yihiin. Ha ahaato golahaasha xaafadaha, deegaanka, gobolka ama xataa heer federal.

Haddaba jidkee ayay dhalinyarada Soomaalidu u maraan inay ku biiraan nidaamka siyaasiga ah ee Maraykanka, sideese u shaqeeyaa nidaamka ololaha doorashada ee Maraykanku, waxaa sheekooyin iyo khibraddooda innala wadaagi doona Jamal Cismaan oo ka tirsan golaha deegaanka ee Minneapolis iyo Ayan Cali Warsame oo ah khabiir dhinaca arrimaha ololaha doorashooyinka, waana xubinta uu ku saabsan yahay barnaamijkeenna bandhiga VOA ee toddobaadkani.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa inoo haya.

Bandhigga VOA: Dhallinyarada Soomaalida ee Mareykanka iyo siyaasadda
please wait

No media source currently available

0:00 0:16:00 0:00

This item is part of

Madal

XS
SM
MD
LG