Maraykanku waxa uu leeyahay laba xisbi siyaasadeed oo waa weyn Xisbiga Dimoqraadiga iyo Xisbiga Jamhuuriga. Halkan waxaan idin kugu soo gudbineynaa taariikhda xisbiga Jamhuuriga.
Xisbiga Jamhuuriga waxa uu caan ku yahay in uu doorbido dawlad yar oo federal ah iyo sidoo kale siyaasadaha bulsho ee asaliga ah.
Si kastaba, arrinku weligii sidan ma aheyn.
Xisbiga waxaa 1854-kii aas-aasay reer Waqooyi doonayay in la helo dowlad federal oo xooggan si looga soo horjeesto ballaarinta addoonsiga ee gobollada Galbeed.
Musharaxii labaad ee madaxweyne ee xisbiga, Abraham Lincoln, ayaa ku guuleystay madaxtinimada 1860-kii, wuxuuna ilaaliyey midnimada dalka, oo baabi'iyey addoonsiga.
Ka dib guushii Waqooyiga ee Dagaalkii Sokeeye, Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku xoogganaa siyaasadda qaranka 70-kii sano ee xigay.
Muddadaas, xisbigu wuxuu u ololeeyey ballaarinta awoodda federaalka. Madaxda xisbiga waxay sidoo kale taageereen wax ka bedelkii 15-aad ee dastuurka ee dammaanad qaaday xaqa ay ragga Afrikaan-American ka ah u leeyihiin inay codeeyaan.
Awoodii xisbiga ayaa burburtay xilligii dhaqaale xumada Great Depression, iyadoo Dimoqraadiyiinta ay burburka dhaqaale ku eedeeyeen siyaasadaha ganacsi ee Jamhuuriga.
50-kii sano ee xigay, Dimuqraadiga ayaa inta badan gacanta ku hayey siyaasadda qaranka iyadoo la doortay kaliya hal madaxweyne oo Jamhuuri ah.
Jamhuuriga ayaa ka shaqeeyey jawaab muxaafid oo ku aaddan ballaarinta Dimoqraadiga ee dawladda federaalka ee billaabantay intii lagu jiray Great Depression
Siyaasadaha is bedelay ee xisbiyada ayaa keenay in cod-bixiyeyaal badan oo Afrikaan-American ah ay u guuraan xisbiga Dimoqraadiga halka cod-bixiyeyaal badan oo caddaan ah oo ku nool koonfurta ay u wareegeen xisbiga Jamhuuriga.
Sanadihii 1980-aadkii, Madaxweyne Ronald Reagan, oo Jamhuuri ahaa, ayaa siyaasadihiisa ugu guuleystay aqlabiyad badan oo dalka ah.
Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa isku bed-bedelayey madaxtinimada.
George W. Bush iyo Donald Trump oo labadaba ahaa madaxweynayaal Jamhuuri ah waxay u ololeeyeen in la sii yaereyo kaalinta dawladda, waxayna usii weecdeen dhanka midig ee siyaasadaha bulshada.
Waxaa qoray Megan Duzor, waxaa tifaftiray Sharon Shahid iyo Mia Bush, waxaa tarjumay Axmed Cali Sheekh.
Madal