Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbaahinta Iran oo sheegtay in Madaxweyne Raisi uu geeriyooday


Obit Ebrahim Raisi
Obit Ebrahim Raisi

Warbaahinta Iran ayaa maanta oo isniin ah shaacisay in madaxweyne Ebrahim Raisi uu geeriyooday, kadib markii diyaarad uu la socday ay ku burburtay dhul buuraley ah oo ku yaalla waqooyi galbeed ee dalkaasi, balse wali si rasmi ah looma xaqiijin.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Ayatollah Ebrahim Raisi, wuxuu ku lug lahaa shil, isagoo u adeegaya oo gudanaya waajibaadkiisa danta dadka Iran waana shahiiday," ayay tiri Wakaaladda Mehr ee Iran.

Telefishinka Qaranka Iran ayaa Axadii sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo siday Raisi ay shil ku gashay gobolka Julfa ee bariga gobolka Asarbayjaan, iyadoo ay jirto xaalad cimilo xumo.

Wakaaladda wararka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran (IRNA) ayaa ku warantay in shilkan uu ka dhacay dhulka keymaha ah ee buuraha ah ee Dizmar, una dhow magaalada Farzaghan.

Wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amir-Abdollahian, guddoomiyaha bariga Asarbayjan iyo imaamka gobolka, ayaa sidoo kale la socday madaxweyne Raisi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA.

73-kooxood oo samatabixin ah ayaa ka qaybqaatay howlgalka,sida ay sheegtay hay’adda bisha cas, halka wakaaladda wararka ee Iran ay sheegtay in loo adeegsaday eeyaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

AFP

Madal

XS
SM
MD
LG