Isku xirrada

War Deg-Deg ah

La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka oo la kulmay Natanyahu


Jake Sullivan
Jake Sullivan

La-taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa Axaddii shalay magaalada Quddus kula kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, si ay uga wadahadlaan howlgallada milatari ee Israa’iil ee ka dhanka ah Xamaas ee Gaza.

Jake Sullivan ayaa kala hadlay Netanyahu howlgal bartilmaameedsanaya Xamas oo kaliya oo ay Isreal ka fuliso Koonfurta Qaza, iyadoo la ilaalinayo bad qabka dadka rayidka ah.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Mareykanka, Waxaa kaloo Sullivan, uu uga warbixiyay Netanyahu waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Qorshaha Maraykanku waxa uu ahaa in Sucuudigu aqoonsado Israa’iil oo uu ka caawiyo maamulka Falastiiniyiinta in ay la wareegaan Gacan ku heynta Gaza si ay ugu bedeshaan waddo ay ugu dambaynta Falastiiniyiintu ku helaan dawladnim.

Netanyahu wuxuu ka soo horjeedaa fikradda Falastiin madax-bannaan oo uu sheegay inay khatar ku tahay amniga qaranka Israa'iil.

Madal

XS
SM
MD
LG