Nelisiwe Dlamini waa hooyo 28 jir ah oo ka mid ah kumanaan haween ah oo ka shaqeeya wershedaha dharka ee Eswatini, waxayna la kulmaan duruufo adag oo ay u adkaystaan.
Waxay la kulmaan nadaafad darro ka jirta goobaha shaqada, mushahar yari, saacado badan oo ay shaqeeyaan oo aan wax lacaga la siinin, tacadiyo kala duwan iyo in mararka qaarkood si sharci-darro ah la isaga eryo.
Shaqaalahan ayaa sheegaya in musuq-maasuqa jira iyo xeerar la’aantu, ay fursad u siiyeen shirkadaha waaweyni inay ku tacadiyaan shaqaalaha.
Warbixintan waxaa diyaariyey Nokukhanya Musi. Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa soo jeedinaya.
Madal