Washington —
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u diyaar garoobaya booqasho taariikhi ah oo uu dabayaaqada bishan May ku imanayo dalkan Mareykanka.
Booqashadan ‘’Rasmiga ah” ayaa noqonaysa Martiqaadkii rasmiga ahaa ee ugu horeeyay ee uu Maraykanku u fidiyo hogaamiye Afrikaan ah muddo ka badan 15 sano.
Martiqaadkan Rasmiga ah ayaa qayb ka ah siyaasadda Maraykanka u dib ugu qaabaynayo xidhiidhka uu la wadaago dalalka Afrika, ka dib markii uu Ruushku isku balaadhiyay galbeedka Afrika.
Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa inoo haya Xuseen Barre Aadan.
Madal