Isku xirrada

War Deg-Deg ah

World Central Kitchen oo dib u ugu laabaneysa Gaza


Hay’adda samafalka ee World Central Kitchen, ayaa Isniinta maanta ah dib u amba-qaadeysa howlihi gargaarka bani’aadannimo ee ay ka heysay Gaza.

WCK ayaa howlaheeda Gaza billaabeysa bil kaddib marki ay ciidanka Israil dileen 7 ka mid ahaa shaqaalaheeda samafalka, xilli ay kasoo laabteen cunto-qeybin ay ka sameeyeen xaafado ka mid ah dhulka hareerysan ee Gaza.

Marki ay joojineysay howlgalkeedii Gaza, WCK waxay ka qeybisay Gaza cunt adhan 43 milyan tan iyo bishii October.

Taasi ayaa ka dhigneyd in cuntadi Gaza laga qeybiyay tan iyo dhamaadki sannadki hore ay 62% bixisay hey’adda WCK.Hey’addan ayaa sheegtay in hadda ay diyaarisay cunto dhan ilaa 8 milyan oo bac, taas oo dhanka kale marka laga eego ay qaadi karan ilaa 276 oo baabuurta xammuulka ah.

Baabuurtaasi ayaa ku diyaarsan marinnada laga galo Gaza ee Rafax iyo dhanka xadka Jordan.

"Xaaladda bani’aannimo ee Gaza wali aad bey u xuntahay. Dib ayaan u billaabeynaa howlgalkeenna innaga oo ku shaqeyneyna awooddeennii hore iyo sharafti isla markaana diiradda saareyna sidi aan u quudi laheyn inta aan kari karno oo dad ah.” ayuu yiri maamulaha hey’addan Erin Gore.

Weerarki lagu dilay 7 ka mid ah shaqaalaha samafalka ee hey’addan 1-di Bishan April ayaa sababay dhaleeceyn caalami ah oo Israil uga timid reer Galbeedka oo uu ugu horreeyo Mareykanka.

Dagaalka lixda bil socda ee ay Israil ku heyso Gaza, kaddib weerarki ay Xamaas ku qaadday Israil 7-di October ayaa sababay dhimashada in ka badan 34 kun oo u badan dumar iyo carruur Falastiiniyiin ah.

Madal

XS
SM
MD
LG