Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ardayda Jaamacadda Colombia oo sii wadaya mudaaharaadka ay ku taageerayaan Falastin


Pro-Palestinian protest at Arizona State University, in Tempe
Pro-Palestinian protest at Arizona State University, in Tempe

Ardayda Jaamacadda Columbia University, oo ah ardadi billowday bannaanbaxyada lagu taageerayo Falastiin ee ka socda dhowr jaamacadood oo ku yaalla gudaha Mareykanka, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan mudaaharaadka.

Ardayda ayaa Jimcihi sheegay in wadahadal u socday iyaga iyo maamulka jaamacadda uu ku dhamaaday is afgaran-waa, sidaasi darteed ay sii wadi doonaan bannaanaxa inta laga fulinayo dalabkooda.

Go’aankan ayaa yimid, kaddib laba maalin oo wadahadallo aanan loo kala kicin oo dhexmaray ardayda iyo maamulka, iyada oo guddoomiyaha jaamacadda Colombia uu dhaleeceyn adag lala kulmay barayaasha iyo howl-wadeennaada kulliyaadka jaamacadda iyo jaamacado kalaba, kuwaas oo ka carooday awoodda ciidanka booliska ee uu maamulka jaamacadda u adeegsaday ardayda.

Xiisaddan ayaa cadaadiska kusii kordhineysa madaxda jaamacadaha California ilaa Massachusetts oo la halgamaya sidi ay u xallin lahaayeen mudaaharaadyo ay ardayda ka dhex billaabeen gudaha jaamacadaha, xilli ay ay soo dhawaadeen muddada qalin-jabinta.

Ardayda jaamacadaha Mareykanka ayaa dalbanaya in dagaalka Gaza laga gaaro xabbad-joojin, iyo in jaamacadaha ay xiriirka dhaqaale u jaraan Israil.

Madal

XS
SM
MD
LG