Khartoum —
Dagaalka ka socda dalka Suudaan ee u dhexeeya jeneraallada talada dalkaasi isku haya ayaa hadda ku dhow sanad.
Qaramada Midoobay ayaa dhowaan sheegtay in 25 milyan oo reer Suudaan ah ay hadda u baahan yihiin gargaar. Dhowr iyo toban kun oo qof ayay warbaahintu warineysaa in ay dagaalka ku dhinteen iyadoo 8 milyan oo kalana ay barakeceen.
Hadda ku dhowaad sanad ka dib waa side xaaladda Suudaan? Sideese u eg yahay mustaqbalka siyaasadeed ee dalkaasi?
Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa warbixin nooga diyaariyay.
Madal