Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta Caafimaadka Adduunka oo la xusay

Virus Outbreak WHO
Virus Outbreak WHO

24 kii saacadood ee ugu dambaysay waxa dunida ka socday xuska maalinta caafimaadka adduunka oo sannad kasta la xuso 7-da bisha April, taasi oo soo billaabantay sanadkii 1948-kii.

Xuska sannadkan ayaa hal-ku-dheg looga dhigay “Xuquuqda qofka ee helitaanka Adeeg Caafimaad.”

Balse xuska Sanadkani wuxuu ku soo beegmay iyadoo malaayiin qof la tacaalayaan cuduro iyo nafaqo darro ka dhashay cunto la'aan iyo daryeel xumo, halka malaayiin qof oo kalena ay la ildaran yihiin xanuuno wax laga qaban karo, haddii ay helaan addeeg caafimaad.

Sahra Ciidle Nuur, ayaa warbixintan ku eegaysa xuska sanadkan ee caafimaadka adduunka.

Maalinta Caafimaadka Adduunka oo la xusay
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:19 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG