Maanta oo Axad ah, waxaa 81-ka gobol ee dalka Turkiga ay shacabka u dareeri doonaan codbixinta doorashada Dowladaha Hoose, iyada oo si gaar ah indhaha loogu heyo magaalada ugu dadka badan Turkiga ee Istanbul.
Guddoomiyaasha gobollada, meeyarrada magaalooyinka, guddoomiyaasha degmooiyinka ilaa xaafadaha ayaa lasoo dooran doonaa. Ankara iyo Izmir ayaa lagu wadaa in ay ku guuleystaan mucaaridka, hase yeeshee xisbiga talada haya ee AKP ayaa dagaal adag ugu jira sidii uu u soo ceshan lahaa Istanbul.
Haddaba, Nur Hassan Nur ayaa khadka telefoonka ku wareystay, Bashir Macallim Khalif oo ah wariye madax bannaan oo degan Istanbul.
Madal