Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka: 42,000 oo buundo oo ay dulmaraan 167 milyan oo gaari oo xaaladooda laga dayriyey


Maryland Bridge Collapse
Maryland Bridge Collapse

Tan iyo wixii ka dambeeyey, markii uu Markab jiidhay, buundada isku xidha Washington DC iyo Baltimore, waxaa soo badanaya walaaca laga muujinayo, heerka bedqabka buundooyinka Maraykanka.

Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP, ayaa lagu falanqeeyey in ka badan 621,000 oo buundo oo Maraykanku leeyahay, kuwaas oo dhererkoodu ka badan yahay illaa 20 feet.

Buundooyinkaas ayaa 42,400 oo ka mida la sheegay in xaaladdoodu aanay wanaagsanayn, waxaana maalin walba isticmaala illaa 167 million oo gaadhi, sida ay sheegtay dawladda Maraykanku.

Inta badan buundooyinkan, ayaa da'doodu ay gaadhaysaa illaa 70 sannadood.

15,800 oo ka mida buundooyinkaas ayaa toban sano ka hor, la diiwaangeliyey inaanay xaaladoodu wanaagsanayn, sida ay ogaatay wakaaladda wararka ee AP.

Gobolka Iowa ayay ku yaallaan buundooyinka ugu badan ee xaaladooda laga dayriyey, halka gobollada ku soo xigaa ay yihiin Pennsylvania, Illinios iyo Missouri.

Intii u dhexeysay sannadihii 1960-kii illaa 2015, waxaa dumay illaa 35 buundo caalamka oo dhan, waxaana ku dhintay illaa 342 qof sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka caalamiga ah ee World Association for Waterborne Transport Infrastructure. 18 ka mida buundooyinka dumay ayaa ku yaallay Maraykanka.

Madal

XS
SM
MD
LG