Dalka Senegal, waxaa Axadda berri danbe ah ka dhaceysa doorasho madaxtinimo oo aad loogu tartami doono, isla markaana tijaabo adag u noqon doonto xasilloonida iyo dimoqraadiyadda dalkaan dhaca Galbeedka Africa.
Doorashadan ayaa qabsoomeysa kaddib bilooyin hubanti la’aan ah, taas oo ka dhalatay isku daygi guuldarreystay ee uu madaxweyne Macky Sall ku rabay in dib loogu dhigo doorashada ilaa dhammaadka sannadkaan. Tallaabadaasi ayaa kixisay bannaanbaxyo rabshado watay iyo xiisado dhanka siyaasadda ah.
Xiisadaha iyo dhacdooyinka maalmaha ugu danbeeya ee ololaha doorashada, ayaa waxaa kor u sii qaaday sii deynti todobaadki hore xabsiga laga sii daayay hogaamiyaha mucaaridka Ousmane Sonko . Qaar badan oo ka mid ah taageerayaashiisa ayaa ku dabaaldagay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Dakar.
Doorashada Axadda dhaceysa ayaa ah tii afraad oo dimoqraadi ah oo Senegal laga qabto tan iyo marki uu gobonnimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska sannadki 1960-ki.
Senegal ayaa loo arkaa tiirka xasilloonida mandiqada Galbeedka Africa, maadaama ay gobolkaasi ka dhaceen tobnaan afganbi sannadihi lasoo dhaafay.
Madal