Stanis Bujakera, oo ah wariye ku xirnaa dallka Congo tan iyo bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, isagoo lagu eedeeyay inuu faafiyay macluumaad been abuur ah, ayaa la sii daayay Talaadadii, sida uu sheegay qareenkiisa.
Qareenkiisa oo lagu magacaabo Yana Ndikulu, ayaa sheegay in Bujakera - oo u shaqeeya warbaahinta caalamiga ah oo ay ku jiraan Reuters iyo Jeune Afrique ayaa laga sii daayay fiidnimadii Talaadada xabsiga caasimadda Kinshasa oo uu ku xirnaa.
Bujakera ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in madaxa xabsiga uu u sheegay inuu xor u yahay inuu baxo wax yar ka dib 9:30 p.m. waqtiga maxaliga ah.
Maxkamad ku taal Kinshasa ayaa Isniintii Bujakera ku heshay dambi ah inuu faafiyay warar been abuur ah, iyo eedeymo kale.
Maxkamaddu waxay ku xukuntay lix bilood oo xarig ah iyo ganaax dhan hal milyan oo faran-ka Congo ah oo u dhiganta $364. Kooxdiisa qareenada ayaa go'aankaas kadib sheegay in Bujakera la sii dayn doono Talaadada maadaama uu horay u dhameystay xukunkiisa.
Laakin siideynta ayaa si lama filaan ah loo hakiyay ka dib markii uu soo baxay fiidnimadii Talaadada war sheegaya in xeer ilaaliyaha dowladda ee kiiska uu racfaan ka qaatay xukunka.
Ilaa saddex saacadood ka dib, ayaa si kastaba ha ahaatee, qareennada Bujakera waxay sheegeen in dacwad oogaha uu ka noqday racfaankiisii, taasoo u gogol xaaraysay sii deyntiisa.
Bujakera ayaa la xiray bishii Sebtembar iyada oo looga shakisan yahay in uu faafiyay macluumaad been abuur ah oo ku saabsan dilka siyaasiga caanka ah ee mucaaradka ahaa kaasoo lagu daabacay Jeune Afrique, oo ah jariirad ku soo baxda afka Fransiiska.
Madal