Aqalka Senatka Mareykanka ayaa xalay ansixiyay xirmo lacageed oo gaareysa $460 billion oo ah qeyb ka mid ah miisaaniyadda hay’adaha dowladda federaalka, saacado yar ka hor inta aysan xirmin shaqada dhowr hay’adood oo ka mid ah dowladda.
Sharci-dajiyaasha ayaa hadda maraya kala badh miisaaniyadda dowladda Mareykanka ee sannadkan 2024-ka. 75 ka mid ah mudanayaasha Senatka ayaa haa ugu codeeyay halka ay diiddeen 22.
Aqalka Wakiillada ayaa horay u soo ansixiyay qeybtan miisaaniyadda ah. Xeerkaan ayaa dhaqan gal noqonaya marka uu saxiixo madaxweyne Joe Biden
Dhanka kale mudanayaasha labada aqal ayaa sii wadaya wada-xaajood ay ka leeyihiin xirmada labaad ee miisaaniyadda taas oo ay ku jirto qeybta difaaca, dadaalkaan ayay dhinacyadu ku rabaan in lagu helo miisaaniyadda dhammaan waaxaha dowladda federaalka Mareykanka ilaa laga gaarayo 22-ka bishan Maarso.
Madal