Madaxda dowladda Kenya ayaa wada ololaha ay ku doonayaan sidii hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ay dowladaha Midowga Afrika ay ugu dooran lahaayeen jagada Guddoomiyaha Midowga Africa, taasi oo uu Raila Odinga uu dhowaan shaaciyay inuu u tartamayo.
Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Raila Odnga oo wada socda oo arrintaasi kala hadlay qaar kamid ah dowladaha Africa ayaa ka codsaday inay codadkooda ay ku taageeraan Kenya oo sanadkaan u taagan qabashada hoggaanka Midowga Afrika.
Haddaba, maxay ka dhigan tahay tallaabadaasi? Damacii Raila ee qabashada Madaxweynenimada Kenya arrintaasi maxay u dhimi kartaa? su’aalahaasi ayuu Khadar Maxamuud Xareed waydiiyay Axmed Maxamed Mooge oo fallanqeeya arrimaha Kenya iyo guud ahaana gobolka.
Madal