Isku xirrada

War Deg-Deg ah

India oo si weyn uga carootay tallaabo ay qaadday Safiirka Ingiriiska ee Pakistan


INDIA-KASHMIR-PAKISTAN-COURT-ARTICLE 370
INDIA-KASHMIR-PAKISTAN-COURT-ARTICLE 370

India ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay cabasho ka muujisay booqashadii dublamaasi sare oo British ah ay ku tagtay qeybta ay Pakistan maamusho ee gobolka Kashmir, iyadoo sheegtay in socdaalka toddobaadkan uu xad-gudub ku yahay “madaxbanaanida dhuleed ee Hindiya”.

Kashmir ayaa waxaa si buuxda u kala sheegta laakin qeyb ahaan u kala maamula labada dal ee deriska ah ee haysta hubka wax gumaada ee India iyo Pakistan, kuwaasi oo laba mar ku dagaallamay maamulka gobolka, islamarkaana marar badan ay dagaallo koo-kooban ku dhex mareen gobolka Himalaya tan iyo 1947-kii.

Wakiilka Sare ee Ingiriiska u fadhisa Pakistan Jane Marriott ayaa tobankii bishan iyadoo uu wehliyo sarkaal ka socda wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska waxa ay booqasho ku tageen qeybta Kashmir ee ay maamusho Pakistan, sida ay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee India ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee India Vinay Kwatra ayaa cabasha xooggan oo booqashada quseysa u gudbiyay wakiilka sare ee Ingiriiska ee India, iyadoo wasaaraddu ay booqashada ku tilmaamtay mid "aan la aqbali karin".

Afhayeenka Xafiiska Arrimaha dibadda Ingiriiska ayaan ka jawaabin cabashadan ka soo yeertay India.

AFP

Madal

XS
SM
MD
LG