Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey oo duqeymo ka fuliyay Suuriya iyo Ciraaq ka dib weerar askar looga laayay


Syria Turkey
Syria Turkey

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in duqeymo ay la beegsadeen mintidiinta Kurdiyiinta ee dalalka ay deriska yihiin ee Iraq iyo Syria. Tani ayaa ku soo beegmeysay maalin ka dib markii weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Turkigu ku leeyihiin Ciraaq lagu dilay sagaal askari oo Turki ah.

Turkey ayaa inta badan fuliya weerarro oo la beegsado bartilmaameedyo ku kala yaalla Suuriya iyo Ciraaq oo ay aaminsan tahay in ay leeyihiin kooxo xiriir la leh xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo ah koox gooni u goosad ah oo dalkaasi laga mamnuucay kuwaasi oo tan iyo 1980-maadkii qaadayay weeraro ka dhan ah Turkiga.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in diyaaraduhu ay garaaceen goobo ku yaalla Metina, Hakurk, Gara iyo Qandil oo dhammaantood ka tirsan waqooyiga Ciraaq, iyadoo aan sheegin goobaha ay beegsatay ee ku yaalla Suuriya.

Waxa ay sheegtay in diyaaradaheeda dagaalku ay burburiyeen godad, godad dhulka hoostiisa ah, gabaad iyo goobo shidaal si ay u ciribtirto waxa ay ugu yeertay “weerarrada argagixisada ee ka dhanka ah dadkeena iyo ciidamada amniga ... islamarkaana la xaqiijiyo amniga xuduudaheena,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxa ay wasaaraddu intaa ku dartay in weeraradaasi ay ku dishay malayshiyaad badan.

Habeenimadii Jimcihii ayaa weeraryahanno ay isku dayeen in ay gudaha u galaan saldhig milatari oo ku yaal waqooyiga Ciraaq ee ismaamulka Kurdiyiinta, halkaasi oo ay ku dileen shan askari oo Turkish ah. Afar kale ayaa markii dambe u dhintay dhaawacyo halis ah oo weerarka ka soo gaaray. Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay in 15 dagaallame sidoo kale la dilay.

Madal

XS
SM
MD
LG