Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Reuters iyo AFP oo sheegay in Isra’il ay dishay wariye Cisaam Cabdalla


Baaritaan ay si kala gooni ah u sameeyeen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo Agence France-Presse (AFP), ayay ku ogaadeen in ciidanka Isra’il ay ka danbeeyeen dilka wariye u Cisaam Cabdallah oo ahaa wariye u dhashay Lubnan una shaqeynayay Reuters, iyo dhaawaca lix kale.

Warbixinta ayaa sheegeysa in weerarkaasi oo ka dhacay waqooyiga Lubnan, loo adeegsaday taangi ka mid ah taangiyada Israa’iil. Waxana weerarku u dhacay 13-ki bishi October.

Labadan wakaalad ayaa baaritaankooda la kaashaday khubarro gaar ah oo dibadda ka ah hey’adahan, kuwaas oo dib u eegis ku sameeyay cajaladihi laga duubay dhacdadan, muuqaallada dayax-gacmeedka, marag-furka marqaatiyaasha iyo firirka madaafiicdi laga soo tuuray taangiga.

Waxana natiijada u soo baxday ay noqotay in taangiga leh cabbirka 120-mm uu ahaa midka lagu dilay wariye Cisaam Cabdalla. Noocaas oo gaar u ah ciidanka Isra’il.

Madfaca lagu riday wariyaasha ayaa dhacay, xilli ay saxafiyiintu rabeen in ay muuqaallo ka duubaan, iska-hor-imaad 13-ki October ku dhexmarayay tuulada Alma al-Chaab ee xadka Lubnan iyo Israa’iil. Isku dhacyada ayaa u dhaxeeyay milatariga Israa’iil iyo dagaalyahnno Falastiiniyiin ah.

Reuters iyo AFP waxay sheegeen, in wariyaasha si cad loogu jeeday oo loo aqoosa karay isla markaana ay xirnaayeen jaakadaha ay ku qoranyihiin “xubnaha warbaahinta” iyo koofiyadaha intaba.

Baaritaan ay si gaar ah u sameysay Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, kaas oo soo baxay Khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay, in saxafiyiinta marki la weerarayay si cad loo arki karay in ay wariyaal ahaayeen.

Baaritaanka wuxuu shaaca ka qaaday “in wariyaasha laga kaxeeyay halka ay colaadda ka socotay, si cadna loo aqoonsa karay inay yihiin xubnaha warfaafinta, iyaga oo muddo ku siman 75 daqiiqo goobta ku sugnaa ka hor inta aanan laba madfac lagu dhufan.”

Amnesty International, ayaa iyaduna sheegtay in baaris ay sameysay ku ogaatay, in ay u badan tahay in weerarka uu ahaa mid si toos ah loogu bartilmaameedsaday rayid, waajibna ay tahay lagu sameeyo baaris danbi dagaal.

Cisam Cabdalla ayaa ahaa 37 jir, wuxuu ahaa wariye wararka, sawirrada iyo muuqaalladaba Lubnan uga diri jiray wakaaladda wararka Reuters ee dalka Britian.

Madal

XS
SM
MD
LG