Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka hirgalay heshiiskii Xamaas iyo Israa'iil?


Israel ayaa xalay sheegtay, in sii deynta ilaa 50 qof oo ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduuban Xamaas aysan dhici doonin ilaa Jimcaha berrito ah, halkii laga filayay in Khamiista maanta ah lagu sii daayo heshiiskii xabbad-joojinta afarta maalin ee ay gaareen Israel iyo Xamaas.

Heshiiska oo dhacay aroornimadi hore ee Arbacadi shalay, ayaa dhigaya in Israel ay deyso 150 Falastiiniyiin ah oo ku xira xabsiyadeeda, sidoo kalana ogolaato in gargaar bani’aadannimo la geeyo Marinka Gaza, halka Xamas ay sii deyn doonto 50 ka mid ah laheystayaasha Israel. Sidoo kale, muddo afar maalin ah ayay Israel iyo Xamaas jooji doonaan madaafiicda.

Waqtiga uu sida rasmiga ah u billaaba doono dhaqangalka heshiiska ayaanan caddeyn, hase yeeshee ilo wareedyada xagga amniga Masar ayaa sheegay in dowladaha dhexdhexaadinaya ay doonayaan in heshiiska xabbad joojinta uu dhaqan galo afarta barqanimo ee Khamiista maanta ah.

Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Mursal Samakaab ayaa warbixintan ku eegaya.

Maxaa ka hirgalaya heshiiskii Xamaas iyo Israa'iil?
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:25 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG