Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isbitaallada Gaza oo noqday 'goob dhimasho'


Ciidamada Israel ayaa gaaray irdaha cisbitaalka weyn ee magaalada Gaza Isniintii, kaas oo ahaa bartilmaameedka koowaad ee dagaalka ay ku doonayaan inay kula wareegaan qaybta waqooyi ee marinka Qaza, halkaas oo dhakhaatiirtu ay sheegeen in bukaannada ay ku jiraan dhallaanka cusub ay u dhimanayaan shidaal la'aan.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Gaza Ashraf Al-Qidra, oo ku sugan gudaha isbitaalka Al Shifa, ayaa sheegay in 32 bukaan ay dhinteen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo dhawaan dhashay, taasoo ka dhalatay go’doominta isbitaalka iyo koronto la’aan.

Ugu yaraan 650 bukaan ayaa weli gudaha ku jiray Isbitaalkaas, iyagoo rajo ka qaba in Laanqeyrta Cas ama hay'ad kale oo dhexdhexaad ah ay u daadgureyso xarun kale oo caafimaad.

Israa'iil waxay sheegtay in isbitaalku uu ku fadhiyo godad sare oo xarun u ah dagaalyahannada Xamaas oo bukaannada u adeegsada gaashaan, taas oo Xamaas ay beenisay.

“Taangiyada ayaa hor taagan isbitaalka. Waxaan ku jirnaa xannibaad buuxda. Gebi ahaanba waa aag rayid ah. Kaliya xarunta isbitaalka, bukaanada isbitaalka, dhakhaatiirta iyo dadka kale ee rayidka ah ee isbitaalka ku jira. Waa in nalaga joojiyaa dhibaatada,” ayuu yiri Dr Ahmed El Mokhallalati oo dhakhtar qalliin oo ka tirsan cusbitaalka.

“Waxay duqeeyeen taangiyadii (biyaha), waxay duqeeyeen ceelashii biyaha, sidoo kale waxay duqeeyeen matoorka Ogsajiinta, waxay duqeeyeen wax walba oo isbitaalka yaallay, marka aad ayay noogu adag tahay inaan ka badbaadno, qof walba waxaan u sheegaynaa in isbitaalku hadda aanu aheyn meel ammaan ah oo lagu daweyn karo." ayuu raaciyay.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG