Diyaaradah dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeeyey xalay iyo maanta magaalada Gaza; waxaa sidoo kale Israa’il ay duqaysay laba garoon oo ku yaalla Siiriya iyo masaajid ku yaal Daanta Galbeed oo ay ku eedaysay inay mintidiintu isticmaalaan, sida ay soo tebisay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Dhinaca kale, ciidamada Israa’iil ayay gantaallo isweydaaresadeen kuwa maleeshiyada Xisbullah.
Dhinaca kelana, dalalkii ka qaybgalay shirka nabada ee Masar ayaa la sheegay inay ku kala aragti dwanaadeen sida loo waajahayo xaaladda dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Ibrahim Hasan dandurey ayaa khadka talefoonka kula xiriiray Dr. Xassan Al-Basri oo ka faallooda siyaasadda iyo arrimaha carabta, macalin-nna ka ah Jaamacadda al-Axqaaf ee dalka Yemen. Wuxuuna ugu horeeyn weydiiyay sida uu shirku ku dhammaaday.
Madal