Iyadoo ay Israel amar ku bixisay in magaalada Gaza ay ka baxaan ilaa iyo hal milyan oo rayid ah oo reer Falastiin ah muddo 24 saac gudahood ah, ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken waxa uu sii balaariyay wadahadallada mushkiladdan la xiriira ee uu u jooga Bariga Dhexe. Waxa uu horey u tagay Israel iyo Urdun, waxaa uuna haatan wadahadaladiisa ku fidinayaa wadamada Khaliijka Carabta iyo Masar.
Wariyaha arrimaha diblomaasiyadda uga soo warranta VOA, Cindy Saine, ayaa warbixintan soo dirtay. Waxaa inoo soo jeedinaya Ibraahim Xassan Garabey Daandurey.
Madal