Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda sare ee Britain oo go'aan ka gaadhaysa, siyaasadda qaxootiga loogu dirayo Rwanda


BRITAIN-RWANDA-POLITICS-MIGRANTS-COURT
BRITAIN-RWANDA-POLITICS-MIGRANTS-COURT

LONDON - Siyaasadda muranka dhalisay ee dawladda Ingiriiska ee lagu joojinayo qulqulka muhaajiriinta ayaa toddobaadkan wajahaysa, mid ka mid ah caqabadaha ugu adag, iyada oo Maxkamadda Sare ee UK ay miisaamayso in ay sharci tahay in magangelyo-doonka loo diro Rwanda.

Xukuumadda uu hoggaamiyo xisbiga Muxaafadka ahi, ayaa ka soo horjeedda go'aanka ay soo saartay Maxkamadda Racfaanku bishi June ee sannadkan, kaas oo sharci darro ku tilmaamay, siyaasadda ay xukuumaddu ku doonayso inay ku hakiso qulqulka muhaajiriinta imanaya Britian. Maxkamadda ayaa go'aankeeda ku sababaysay, inaanu ammaan ahayn dalkan ku yaalla bariga Afrika ee ay dawladda Britian doonayso inay u dirto muhaajiriinta.

Waxaa la filayaa inay maalinta Isniinta ah ay bilaabanto dood sharciyeed saddex maalmood socon doonta, taasoo ay xukuumaddu ku difaacayso siyaasadeeda, isla markaana ay ku iftiiminayo in meelaha la geynayo muhaajiriintu inay ammaan yihiin, halka garyaqaano kala metelaya muhaajiriin ka soo kala jeeda Vietnam, Syria, Ciraaq, Iran iyo Sudan ay ku doodayaan in siyaasaddaasi ay tahay mid sharci-darro ah oo ka soo horjeedda bini'aadantinimada.

Dooddan ka bilaabanaysa maxkamadda sare ee Britian ayaa ku soo beegmaysa, xilli ay dalalka Yurub iyo Maraykanku ay la daalaa dhacayaan inay la yimaaddan, hababka ugu wanaagsan ee loola tacaali karo muhaajiriinta ka soo cararaya colaadaha, gacan-ka-hadalka iyo cadaadiska ka jira dalalkooda.

Dawladda Biritian ayaa ku qiyaasatay in intii ka horraysay bishan October 2-deedii inay dalka Britain ay doomo ku soo galeen illaa 25,000 oo qof, taasoo 25% ka yar tiradii sannadkii hore haatan oo kale soo gashay dalka Britain oo ahayd 33,000.

AP

Madal

XS
SM
MD
LG