Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan: Weerar Ismiidaamin ah oo lagu dilay 9 askari


Pakistan Attack
Pakistan Attack

ISLAMABAD - Saraakiisha dalka Pakistan ayaa Khamiistii sheegay in weerar is miidaamin ah oo loo adeegsaday mooto, in lagu weeraray kolonyo ciidamo ah oo marayey gobol aad u durugsan oo ku yaalla woqooyiga galbeed ee dalka Pakistan.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 19 ka mida ciidamadii la bartilmaameedsaday, halka tiro kalena lagu dhaawacay.

Weerarka ayaa ka dhacay degmadda Bannu oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo ku yaalla xuduudda Pakistan la wadaagto Afghanistan, sida laga soo xigtay garabka warbaahinta ee ciidamada milateriga.

Ra'iisal wasaaraha xil gaadhsiinta ee Pakistan, Anwaar-ul-Haq Kakar, ayaa fariin uu ku daabacay boggiisa X, ee hore loo oran jiray Twitter, ku cambaareeyey weerarka.

Illaa haatan ma jirto cid sheegatay weerarkan.

Hase haatee weerarkan ayaa ka dhacay gobol ay weeraro joogto ah ka fuliyaan kooxda la mamnuucay Talibanta Pakistan.

Toddobaadkii hore uun bay ahayd markii lix askari oo u dhashay dalka Pakistan lagu dila, is rasaasayn ka dhacday degmada Waziristan, kaas oo ay ku lug lahayd kooxda Talibanta Pakistan.

Warbixintan waxaa qoray Ayaz Gul

Madal

XS
SM
MD
LG