Isku xirrada

War Deg-Deg ah

38 qof oo ku dhintay dab ka kacay dhisme ku yaalla Johannesburg


SAFRICA-FIRE
SAFRICA-FIRE

Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in ugu yaraan 38 qof ay ku dhinteen dab ka kacay dhisme dhowr dabaq ah oo ku yaalla magaalada Johannesburg ee magaalada ugu weyn Koonfur Afrika.

Adeegyada Maareynta Degdegga ah ayaa sheegay in 43 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dabka, kaas oo kacay saacadihii hore ee Khamiista.

Robert Mulaudzi oo ah afhayeen dowladda South Africa ayaa sheegay in howlgallo baaritaan iyo badbaado ah ay socdaan, ayna u badan tahay in dhimashadu ay kororto.

Maamulka Johannesburg ayaa sheegay in dabka si weyn loo damiyay, balse qiiq ayaa weli ka baxayay daaqadaha dhismaha ee ku yaalla bartamaha magaalada Johannesburg.

AP.

Madal

XS
SM
MD
LG