Taliska ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in Sabtidii ay duqayn la beegsadeen ururka al-Shabaab ka dib codsi ka yimid dawladda Soomaaliya.
Duqayntan ayaa taliska AFRICOM sheegay in ay ka dhacaday meel 45km dhinaca waqooyi galbeed ka xigta magaalada Kismayo, laguna dilay 13 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab.
AFRICOM waxa ay ku sheegtay war saxaafadeed soo baxay maanta in duqayntu ay timid kad ib markii maleeshiyaadka al-Shababa ay soo weerareen ciidamada dawladda Soomaaliya.
AFRICOM waxa ay intaa sku dartay in aan dad rayid ah waxba ka soo gaarin duqeyntan.
Madal