Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxo gilgilay keydka gantaallaha Iran ee duleedka Dimishiq


Qarax weyn ayaa laga maqlay keydka gantaallada maleeshiyaad taabacsan Iiraan ay ku leeyihiin bariga caasimadda Suuriya ee Dimishiq aroornimadii hore ee Axadda maanta ah, sida ay sheegtay koox la socota xaaladda Suuriya.

Dadka deggan gobolka Dimishiq ayaa maqlay qaraxyada oo ka soo yeerayay “bakhaarrada maleeshiyaad taageersan Iiraan” ay ku leeyihiin dhul buuraley ah oo bariga ka xiga caasimadda, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay Britain, taasi oo xogta ka hesha dad ku sugan gudaha dalkaasi.

Rami Abdel Rahman oo ka tirsan kooxda ayaa u sheegay AFP in aysan garaneyn in qaraxa uu sababay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday ama ay qarxeen walxo goobta yaalla.

In ka badan toban sano oo uu socday dagaalka Suuriya, dalka ay dariska yihiin ee Israa'iil ayaa boqolaal duqeymo ah ku qaaday dhulka Suuriya, iyadoo ay ugu horreyso weerarada ay la beegsato ciidamada taageerada ka hela Iiraan iyo dagaalyahannada Xisbullah iyo sidoo kale fariisimaha ciidamada Suuriya.

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in xilli habeen ah “dhawaaqa qaraxyo” laga maqlay duleedka magaalada Dimishiq.

Afar askari oo Suuriyaan ah iyo laba dagaalyahan oo ay Iran taageerto ayaa Isniintii la soo dhaafay lagu dilay duqeymo ay Israa'iil ka geysatay meel u dhow magaalada Dimishiq, waana duqeymihii ugu dambeeyay ee diyaaradaha dagaalka Israa'iil ay ka fuliyeen caasimadda dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee Suuriya.

AFP

Madal

XS
SM
MD
LG