Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Khamiistii kasoo muuqday maxkama ku taalla caasimadda Maraykanka ee Washington, si wax looga weydiiyo eedo loo soo jeediyey oo la xiriir inuu isku dayay inuu hor istaago natiijada doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, kadib markii lagaga adkaaday.
Trump ayaa ka mid ah xubnaha safka hore kaga jira xisbiga Jamhuriga ee la tartami doona madaxweynaha hadda talada haya Joe Biden sanadka soo socda ee 2024.
Haddaba, maxkamadeynta Trump maxay ku keeni kartaa dadaalkiisa ku aaddan inuu markale ku guuleysto xilka madaxtinnimada? Su’aalahas iyo kuwa kale ayuu Jamaal Axmed Cismaan hor dhigay Maxamed Sheekh Xueen oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo ammaanka.
Madal