Ra'iisal wasaaraha dalka Ciraaq ayaa amar ku bixiyey in dalkiisa laga caydhiyo Danjiraha Sweden u joogay Baqdaad, isaga oo dhinaca kalena diblomaasiyiintiisa uga yeedhay dalka Sweden, ka dib markii ay dawladda Sweden ay fasax u siisay nin doonayey inuu Quraanka Kariimka ah ee baraykaysan uu gubo.
Xiisadan diblomaasiyadeed ayaa cirka isku sii shareertay, saacado uun ka dib markii debedbaxayaal ka cadhaysan, tallaabada qorshaysan ee lagu gubayo kitaabka Quraanka ahi, ay buuxdhaafiyeen Khamiistii safaaradda Sweden ee ku taalla Baqdaad, iyaga oo jejebiyey derbiga iyo laydhadh ku yaallay barxadda dhismaha.
Muuqaallo lagu baahiyey baraha isgaadhsiinta bulshada ayaa muujinaya, debedbaxayaal ku sugan gudaha dhismaha safaaradda, iyaga oo lulayey calamada iyo astaamo muujinaya wadaadka awoodda badan ee shiicada ah ee Muqtada al-Sadr.
Ka dib dhacdadan, safaaradda Sweden ayaa sheegtay inay hakisay qaabilaadda dadweynaha, mana sheegin xilliga ay dib u soo celinayso adeegyadeeda.
Qoraal ka soo baxay xukuumadda Ciraaq ayaa lagu sheegay inay ku wargelisay dawladda Sweden, inay dalka Ciraaq uu xidhiidhka diblomaasiyadeed u jarayo Sweden, haddii ay sii socdaan gubitaanka kitaabka Quraanka ahi.
Saacado ka dib, dawladda Sudan ayaa sheegtay inay dalkeeda ka caydhisay danjiraha Sweden u jooga dalkeeda.
AP
Madal