Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dab xoogan oo baabi'iyay Suuq ganacsi oo ku yaala magaalada Jigjiga

Dabka Suuqa Jigjiga
Dabka Suuqa Jigjiga

Magaalada Jigjiga ee caasimada dawlad deegaanka Soomaalida waxaa habeenkii xalay ahayd ka kacay dab aad u xoogan oo baabi’iyay suuqa Taiwaanka ee magaalada. Dabka ayaa sabababay khasaare hantiyeed oo aad u badan.

Mas’uuliyiinta gobolka Soomaalida ayaa sheegay in 932 dukaan ay ku gubteen dabka. Sidoo kalana, dawladda ayaa ku dhawaaqday guddi baaritaan ku sameeya khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkaasi. Lama oga sababta rasmiga ah ee dabka kicisay.

Warbixintan waxaa Jigjiga ka soo diray wariyaha VOA, Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa.

Dab xoogan oo baabi'iyay suuq ganacsi oo ku yaala magaalada Jigjiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:09 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG