Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka cusub dagaalka ka dhex qarxay militariga Ruushka iyo kooxda Wagner?


Wagner fighters deployed in Rostov-on-Don
Wagner fighters deployed in Rostov-on-Don

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ruushka ayaa rasaas ku furay galinkii dambe ee Sabtida maanta ah kolonyo calooshood u shaqeystayaal ah oo ku sii siqayay Moscow markii ay xalay qabsadeen magaalo ku taal koonfurta.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wacad ku maray in uu burburin doono gadoodka hubaysan ee kooxda Wagner oo uu la barbar dhigay dagaalkii sokeeye ee Ruushka ka dhacay qarni ka hor.

Dagaallameyaasha taabacsan Wagner oo uu madax u yahay Yevgeny Prigozhin ayaa gacanta ku dhigay magaalada Rostov-on-Don, oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo qof oo ku dhow xudduudda Ukraine, waxayna si degdeg ah ugu sii siqayeen dhinaca waqooyi iyagoo ka imanaya dhinaca galbeedka Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa si caadi ah howlihiisa shaqqo uga wada Kremlin, sida uu Sabtida maanta ah sheegay afhayeenkiisa, iyadoo ay kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner wacad ku martay in ay ka takhallusi doonto hoggaanka militariga ee Ruushka.

“Madaxweynuhu waxa uu ku shaqeynayaa Kremlin-ka” ayuu afhayeenkiisa Dmitry Peskov, u sheegay wakaaladda wararka ay dowladdu maamusho ee RIA Novosti ka dib markii kooxda Wagner ay qabsatay talisyada militariga ee koonfurta Ruushka.

Ukraine ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in qalalaasaha ciidan ee ka jira Ruushka oo fursad u yahay Kyiv toddobaadyo ka dib markii ay ku dhawaaqday dagaal rogaal celis ah oo ay isaga difaaceyso ciidamada Ruushka.

“Maxay tani nooga dhigan tahay? Waa noo fursad” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga Ganna Malyar.

Waa caqabaddii ugu adkeyd ee uu la kulmo madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu billowday weerarka Ukraine sannadkii hore.

Maamulka Ruushka ee ku sugan magaalada Rostov ee u dhow Ukraine ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay guryahooda ku nagaadaan saaka oo Sabti ah, iyadoo madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner uu sheegay in ciidamadiisu ay galeen gobolka xadka koonfurta.

REUTERS + AFP

Madal

XS
SM
MD
LG