Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Talyaaniga oo soo celiyey dhagax taariikhi ah oo Ciraaq laga xaday


People visit the Iraqi National Museum in Baghdad, Iraq, Friday, Feb. 24, 2023, which reopened to the public after months or maintenance work.
People visit the Iraqi National Museum in Baghdad, Iraq, Friday, Feb. 24, 2023, which reopened to the public after months or maintenance work.

Ciraaq ayaa Axadda maanta ah soo bandhigtay dhagax ay qoraallo taariikhi ah oo jiray 2,800 oo sano kaasi oo uu Talyaanigu dib ugu soo celiyey gacanta Ciraaq, iyadoo dalkan ay dagaalladu halakeeyeen uu ka shaqaynayo sidii uu dib ugu soo ceshan lahaa waxyaabaha qadiimiga ah ee dhulkiisa laga bililiqaystay.

Dhagaxan oo aifbeetadii Baabil ee cuneiform ku qoran ayaa sitta astaantii Shalmaneser-kii saddexaad oo ahaa boqorkii Ashuur ee laga bilaabo 858 ilaa 823 (dhalashadii Nabi Ciise ka hor) xukumi jiray gobolka Nimrod ee ku yaalla waqooyiga Ciraaq.

Weli ma cadda sida uu looxani ku tagay Talyaaniga balse maamulka Talyaaniga ayaa ku wareejiyay madaxweynaha Ciraaq Abdul Latif Rashid mar uu todobaadkii tagay booqday Bologna.

“Waxa aan jeclaan lahaa in aan uga mahadceliyo mas’uuliyiinta Talyaaniga dadaalkooda iyo iskaashiga ay ku bixiyeen soo celinta looxan” ayuu Rashid yiri Axadda maanta ah mar uu ka hadlayay xaflad ka dhacday xarunta madaxtooyada Baqdaad oo looxan loogu wareejinayay madxafka qaranka.

Laith Majid Hussein,oo ah maamulaha golaha waxyaabaha qadiimiga iyo dhaxalka ee Baqdaad ayaa sheegay in looxani uu gaaray Talyaaniga 1980-meeyadii ka dibna ay booliiska dalkaasi qabteen.

Wasiirka dhaqanka ee Ciraaq Axmed Fakak al-Badrani ayaa sheegay in aysan caddeyn sida lagu soo helay sheygan muhiimka ah.

"Waxaa laga yaabaa in la helay xillo la baarayay walxaha qadiimiga ah ama intii laga shaqeynayay biya xireenka Mosul,” oo ah kan ugu weyn ee Ciraaq oo la dhisay 1980-meeyadii, ayuu yiri.

Dhulka Ciraaq ee Casriga ah waa xaruntii ilbaxnimo ee boqortooyinkii Sumerian, Akkadian, Babylonian (Baabil) iyo Assyrian (Ashuur), kuwaasi oo ah halkii uu ka bilowday qoraalka iyo magaalooyinkii ugu horreeyey ee dunida.

Agabyada qaddiimiga ah ee Ciraaq ayaa bartilmaameed u noqday bililiqo korortay markii uu dalkaasi fowdada galay ka dib duullaankii Mareykanka ee 2003-dii.

Madaxweynaha Ciraaq ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan in ay dib usoo celiyaan dhammaan waxyaabaha taariikhiga ah ee ka tarjumaya taariikhda Ciraaq ee dibadda ku maqan.

“Waxa aan rabnaa in aan ka dhigno madxafka Ciraaq kan ugu wanaagsan dunida, waanna sii wadeyntaa in aan heerkaas gaarsiinno,” ayuu yiri.

AFP

Madal

XS
SM
MD
LG