Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Madaxda Afrika ma ku guuleysan kartaan joojinta dagaalka Ukraine? 


African leaders visit Ukraine
African leaders visit Ukraine

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Afrika ugu baaqay inay ka codsadaan Vladimir Putin in la sii daayo maxaabiista siyaasadda ee kasoo jeeda gobolka Crimea iyo meelaha ka baxsan, isagoo sheegay inay tahay tallaabo muhiim ah kadib markii uu kula kulmay shalay magaalada Kyiv.

Hogaamiyayaashan oo ka socda todobo dal ayaa kala ah Madaxweynayaasha Comoros, Senegal, Koonfurta Afrika iyo Zambia, iyo sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha Masar iyo ergooyin sare oo ka socda Jamhuriyadda Kongo iyo Uganda – Socdaalada ay ku marayaan Ukraine iyo Ruushka ayaa qeyb ka ah "hawlgal nabadeed" si ay gacan uga gaystaan soo afjaridda duulaankii Ruushku uu ku qaaday Ukraine oo socda ku dhowaad sanad iyo afar bilood.

Hadaba Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa Maxamed Nuur Qalimow oo si dhow ula socda dagaalka Ruushka iyo Ukraine kana faalooda arrimaha Yurub waxaa uu weydiiyay waxa xiligan keenay in hogaamiyayaashan ay isku xilqaamaan howshan?

Wareysi: Safarka madaxda Africa ee Ruushka iyo Ukraine.4a
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:01 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG