Magaalada Toronto oo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee dalka Canada ayaa waxaa ka billaabatay codeynta doorashada duqa magaalada oo ay ku tartamayaan in kabadan boqol murashax.
Doorashadan ayaa imaaneysa xilli uu is casilay duqii hore ee magaaladaasi, kadib markii ay lasoo gudboonaatay fadeexad la xiriirta inuu xiriir la sameeyay haweeney ka shaqeyneysay xafiiskiisa.
Faahfaahinta warkan waxaa magaalada Toronto ka soo diray Wariyaha VOAda Xuseen Nuur Xaaji.
Madal