Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pence oo xisbiga Jamhuuriga u gudbiyey inuu yahay musharax madaxweyne


FILE PHOTO: Republican presidential hopefuls make their pitch to evangelical voters at the Iowa Faith & Freedom Coalition Spring Kick-off in West Des Moines
FILE PHOTO: Republican presidential hopefuls make their pitch to evangelical voters at the Iowa Faith & Freedom Coalition Spring Kick-off in West Des Moines

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Mike Pence ayaa xisbiga Jamhuuriga u gudbiyey waraaqihiisa musharaxnimo ee caddaynaya inuu u tartamayo jagada musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga ee sannadka 2024, isaga oo xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa kula tartami doona musharaxiin kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynihii uu ka hoos shaqayn jiray ee Donald Trump, oo isna haatan loollan ugu jira booskaas.

Pence oo hore u soo noqday madaxweyne ku xigeen iyo guddoomiyaha gobolka Indiana, ayaa haatan go'aansaday inuu si rasmi ah uga mid noqdo musharaxiin tiro badan oo ka qayb gelaya doorashada is reebreebka ee xisbiga gudihiisa.

Mike Pence ayaa doonaya inuu iska gado, codbixiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ee aan ku qanacsanayn hoggaaminta Trump.

Inkasta oo Trump lagu soo oogay dacwado kala duwan, haddana weli waa musharaxa ugu saamaynta badan xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa, waxaana kaalinta labaad ku jira, guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis.

Mike Pence ayaa la filayaa inuu maalinta arbacada ah si rasmi ah ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa, taas oo ku beegan maalintii dhalashadiisa, isaga oo haatan ay da'diisu tahay 64 jir.

Pence ayaa inta badan isku tilmaama inuu yahay "qof Masiixi ah, muxaafid ah oo aaminsan xisbiga Jamhuuriga, sida ay u kala horreeyaan", isaga oo doonaya inuu olole ballaadhan ka sameeyo gobolka Ioma, wuxuuna rajaynayaa inuu kasbado codadka dadka ku ad-adag diinta masiixiga ee la dhacsan aragtiyihiisa uu kaga soo horjeeda, in ilmaha la iska soo rido.

Warbixintan waxaa qoray Ken Bredemeier

Madal

XS
SM
MD
LG