Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Imaaraadka oo ku dhawaaqay inuu hawada sare ka samayn doono sahan ballaaran


This computer graphic rendering made available by UAE Space Agency, May 29, 2023, shows the MBR Explorer, the spacecraft that will be completing the Emirates Mission to the Asteroid Belt.
This computer graphic rendering made available by UAE Space Agency, May 29, 2023, shows the MBR Explorer, the spacecraft that will be completing the Emirates Mission to the Asteroid Belt.

DUBAI - Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyey Isniintii qorshe ay hawada sare ugu dirayaan dayax-gacmeed sahan ku soo sameeya, walxo-cireedyada ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System).

Dayax-gacmeedkan cusub ayaa la filayaa inuu shaqadiisa bilaabo sannadka 2028, taasoo laga yaabo inuu jaro xawaare gaadhaya illaa 33,000 oo KM saacaddii, wuxuuna safarkiisu qaadan doonaa muddo toddoba sannadood ah, isaga oo sahamin doona illaa lix ka mida walxo-cireed oo kala duwan.

Imaaraadka Carabta ayaa sannadkii 2020 waxay meeraha Mars u direen dayax gacmeedkoodii ugu horreeyey.

Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ama dalkii labaad ee dunida ee si rasmi ah ugu guulaysta inuu tallaabadii koowaad ee uu qaado ku gaadho xayndaabka meeraha Mars, taasoo dhacday bishii February ee sannadkii 2021.

Hay'adda sahanka hawada sare ee dalka Imaaraadka Carabta oo la dhisay sannadkii 2014, ayaa ku socota si xawli ah, waxaana hawlgalkan cusub ee ay ku dhawaaqeen uu toban jeer ka weyn yahay, hawlgalkii ay ku tageen meeraha Mars.

Dayax-gacmeedka la dirayo ayaa la filayaa inuu bisha October ee sannadka 2034 uu gaadho walxo-cireedka toddobaad ee ugu dambaysa.

AP

Madal

XS
SM
MD
LG