Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Turkiga: Erdogan oo rajeynaya inuu xukunka sii dheereysto

Turkey Election
Turkey Election

Doorashada ku celiska ah ee madaxweynaha Turkiga oo horseedi karta in Tayyib Erdogan in uu xukunka dalkaasii sii dheereysto ayaa ka socota Turkiga, taas oo uu kaga hortagayo hoggaamiyaha axsaanta mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.

Codbixinta ayaa bilaabatay 8-dii subaxnimo ee xiliiga Turkiga, waxayna dhammaan doontaa 5 galabnimo. Waxaa la filayaa in natiijadu si cad u baxdo fiidkii hore ee wakhtiga maxaliga ah. Goobaha codbixinta ayaa lagu soo waramayaa in meelo badan ay ka saxmad yar yihiin laba todobaad ka hor, markaas oo dadka u soo baxay ay ahaayeen 89%.

Erdogan, oo 69 jir ah, ayaa ku dhawaad 5% ku hoggaamiyay ninka la tartamayey Kemal Kilicdaroglu wareegii koowaad ee doorashadii 14-kii May, laakiin waxa uu wax yar ka hoos maray inuu ka fogaado wareeg labaad.

Sida ay qortay Reuters, Erdogan ayaa si lama filaan ah u soo bandhigay awoodda uu ku dhex leeyahay codbixiyeyaasha, isaga oo guul kasoo hooyay doorashadii baarlamaanka ee isbahaysigii xisbiga AK Party oo ku guuleystay aqlibiyadda Baarlamaanka.

Codbixinta ayaa bilaabatay 8-dii subaxnimo (0500 GMT) waxayna dhammaan doontaa 5 galabnimo (1400 GMT). Waxaa la filayaa in natiijadu si cad u bilaabato fiidkii hore ee wakhtiga maxaliga ah. Goobaha codbixinta ayaa lagu soo waramayaa in meelo badan ay ka saxmad yar yihiin laba todobaad ka hor, markaas oo dadka u soo baxay ay ahaayeen 89%.

Caasha Ibraahim Aadan ayaa doorashadann iyo sida ay u socoto ka waraystay Bashiir Khaliif Cusmaan oo ah weriye madaxbannaan kuna sugan Istanbul.

Wareysiga doorashada Turkiga.m4a
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:53 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG