Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan: Maxkamad xukuntan in milateriga loo gacangeliyo taageerayaasha Imran Khan ee xidhan


FILE - Supporters of Pakistan's former Prime Minister Imran Khan block a road as police fire tear gas to disperse them during a protest in support of Khan in Karachi, Pakistan, May 9, 2023.
FILE - Supporters of Pakistan's former Prime Minister Imran Khan block a road as police fire tear gas to disperse them during a protest in support of Khan in Karachi, Pakistan, May 9, 2023.

ISLAMABAD - Maxkamad la saaro dadka loo haysto falalka argagixisada oo ku taalladalka Pakistan ayaa ciidamada milateriga ku wareejisay 16 ka mid ah taageerayaasha ra'iisal wasaarihii horee Pakistan Imran Khan Khamiistii, si loo saaro maxkamad milateri, iyada oo loo haysto doorkii ay ku lahaayeen mudaharaadadii rabshadaha watay ee ka dhacay dalkaas, ka dib markii la xidhay Imran Khan.

Maxkamaddan ooku taalla bariga magaalada Lahore ayaa sheegtay in eedaha loo haysto ay u baahan yihiin inay baadho maxkamadda milaterigu, iyada oo ku amartay ciidamada asluubta ee maamulayey xabsiga lagu hayo masuuliyiintan, inay ku wareejiso saraakiisha milateriga ee ay khusayso.

16-ka qof ee la tuhunsan yahay waxaa ku jira xildhibaan hore oo ka tirsan xisbiga PTI oo ah xisbiga ugu weyn dalkaas.

Imran Khan ayaa dhaleeceeyey go'aanka taageerayaashiisa lagu saarayo maxkamadda milateri, isaga oo sheegay in weerar lagu soo qaaday xisbigooda, taas oo looga dan leeyahay in lagu burburiyo.

Wuxuu sheegay in la xidhxidhay in ka badan 10,000 oo shaqaalaha xisbiga ah, oo ay ku jiraan hoggaankii sare, halkaas oo qaarkood ay jidh-dil la kulmeen.

Warbixintan waxaa qoray Ayaz Gul

Madal

XS
SM
MD
LG