Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda sare ee Maraykanka oo laashay dacwad ka dhan ah shabakadda Twitter-ka


Visitors take photos in front of the U.S. Supreme Court, May 18, 2023.
Visitors take photos in front of the U.S. Supreme Court, May 18, 2023.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Khamiistii diiday sii socoshada, dacwad ka dhan ahayd shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha bulshada gaar ahaan shirkadda Twitter-ka, taas oo ay dacwad ku soo oogeen, qaar ka mida dhibbanayaal ay eheladoodu ku dhimatay weeraro argagixiso.

Dhibbanayaasha dabada ka riixaya kiiskan ayaa dacwadooda saldhig uga dhigay sharciga la dagaalanka argagixisada ee Maraykanka, iyaga oo ku eedeeyey in shirkadaha iska leh baraha bulshadu, oo ay ugu horrayso shirkadda Twitter, inay ku guul daraysteen inay ka xakameeyaan kooxaaha dembiyada abaabulan fuliya, inay adeegsadaan barohooda bulshada.

Garsoorayaasha maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa go'aan midaysan ku laalay go'aankii maxkamadda hoose ee Maraykanku ay dib ugu soo noolaysay dacwaddan ka dhanka ah shirkadda Twitter. Tallaabadan ayaa guul u ah shirkadda Twitterka.

Dacwaddan waxaa dabada ka riixaya ehelada Maraykanka ah ee Nawras Alassaf oo u dhashay dalka Jordan, kaas oo sannadkii 2017 lagu dilay magaalada Istanbul, intii ay socotay xaflad loogu dabbaaldegayey sannadka cusubi. Weerarkaas ayaaka dhacay xarun lagu caweeyo, waxaana sheegtay kooxda ISIS.

Dacwaddan ayaa ahayd, mid looga danlaha, in lagula xisaabtamo shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha bulshada, waxyaabaha ay soo dhigaaan dadka isticmaala adeegyadooda, arrintaas oo walaac isa soo taraya ku haysa bulshada iyo sharci-dejiyayaasha Maraykankaba.

Reuters

XS
SM
MD
LG