Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka iyo Nigeria oo baaraya shaqaale ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Nigeria oo la dilay


FILE - Military forces secure an area in Anambra, Nigeria, Feb. 24, 2023. On May 16, 2023, armed men attacked a U.S. embassy convoy in southeast Anambra state.
FILE - Military forces secure an area in Anambra, Nigeria, Feb. 24, 2023. On May 16, 2023, armed men attacked a U.S. embassy convoy in southeast Anambra state.

ABUJA, NIGERIA - Masuuliyiinta dalalka Nigeria iyo Maraykanka ayaa baadhaya weerar lagu qaaday kolonyo Maraykan ah oo maraysay gobolka koonfur bari ee Anambra, halkaas oo lagu dilay laba ka mid ah shaqaalaha qunsuliyadda Maraykanka iyo laba askari oo boolis ah. Booliska Nigeria ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay sidoo kale afduubteen laba askari iyo dareewalkii gaadhiga.

Afhayeen u hadlay booliska gobolka Anambra ayaa Arbacadii sheegay in ciidamada ammaanku ay baadigoob ugu jiraan kooxihii falkan geystay iyo weliba saddexda qof ee la afduubay.

Bayaan kale oo habeenimadii Salaasada uu soo saaray booliska gobolka Anambra ayaa lagu sheegay inaanay booliska gobolku wax war ah ka haynin dhaqdhaqaaqa kolonyada Maraykanka ah, ka hor weerarkii lagu qaaday, iyada oo gobolkaasina uu caan ku yahay qulqulatooyinka ay ku lug leeyihiin, kooxaha gooni u goosadka ah.

Booliska ayaa sheegay in kooxaha budhcadda ahi ay rasaas ku fureen kololyada, halkaasoo ay ku dileen shaqaalaha Maraykanka ah ee u shaqaynayey qunsuliyadda, iyaga oo markii dambe dab qabadsiiyey agabkii ay wateen.

Kabiru Adamu oo ah khabiir dhinaca amniga ah, kana tirsan shirkadda la talinta dhinaca ammaanka ee Beacon ayaa sheegay, inaanay isweydiin lahayn in kooxdani ay ogayd, kolonyada Maraykanka, isla markaana ay weerarka iyaga ula danlahaayeen.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay "in koox dablay ahi ay weerar ku qaaday laba gaadhi oo ay leedahay dawladda Maraykanku oo marayey gobolka Anambra. Kolonyadaas oo sidday sagaal qof oo u dhashay dalka Nigeria, oo shan ka mid ahi ay u shaqaynayeen safaaradda Maraykanka, halka afarta kale ay ahaayeen ciidamo boolis ah."

Wasaaradda arrimaha debedda ayaa sheegtay in kooxdani ay hordhac u ahayd, wefti ka socday safaaradda oo soo indha-indheynayey mashruuc ay maalgelisay dawlada Maraykanku oo ku saabsanaa, wax ka qabashada fatahaadaha.

Dawladda Maraykanka ayaa cambaaraysay falkan, iyaga oo sheegay inay si dhow ugala shaqaynayaan dawladda Nigeria, sidii caddaaladda loo horkeeni lahaa, kooxihii ka dambeeyey.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa qoray Timothy Obiezu

XS
SM
MD
LG