War Deg-Deg ah

Xisbiga ku guuleystan doorashada Thailand oo isbeddel weyn ballan qaaday

Thailand Election
Thailand Election

Xisbiga dimoqraadiyadda taageera ee Move Forward oo Axaddii ku guuleystay doorashadii dalka Thailand ayaa dadka siyaasadda falanqeeyaa ay sheegayaan in tani tahay jawaab adag oo la siiyey xukunkii militarigu taageerayey ee dalkaas ka soo talinayey sagaalkii sanadood ee u dambeeyey.

Hase yeeshee, xeerarka loo dejiyey baarlamaanka, kaas oo uu militarigu qoray, ka dib af-gambigii sanadkii 2014, isla markaana u xaglinaya murashaxiinta militarigu taageero ayaa xisbiga Move Forward oo helay codadkii ugu badnaa ka dhigaya mid xukuumadda soo socota ka qeyb gali karin.

Maalmaha, toddobaadyada ama bilaha soo socda ayaa gorgortan dhici doonaa si loo helo xulufo guul gaari karta, sida uu qabo Titipol Phakdeewanich oo hormoodka kulliyadda culuumta siyaasadda ee jaamacadda Ubon Ratchathani ee dalka Thailand.

Tartan loo galay kuraasta golaha baarlamaanka ee shanta boqol ah ayaa xisbiga Move Forward ee dhallinyaradu hormoodka ka yihiin uu helay 151 kursi oo ahaa kuwii ugu badnaa, isaga oo ballan qaaday inuu wax ka qaban doono awoodda ay marooradeen kuwa muxaafidiinta ah iyo kuwa militarigu taageero.

XS
SM
MD
LG