Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka oo la xiray


FILE - Rep.-elect George Santos speaks at an annual leadership meeting of the Republican Jewish Coalition, Nov. 19, 2022, in Las Vegas.
FILE - Rep.-elect George Santos speaks at an annual leadership meeting of the Republican Jewish Coalition, Nov. 19, 2022, in Las Vegas.

George Santos oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa la xiray Arbacada maanta ah, waxaana lagu eedeeyay musuqmaasuq, gacan-togaaleysi iyo xatooyo hanti dadweyne.

Wuxuu hore u diiday baaqyo ahaa inuu is-casilo maadaama uu ka been sheegay shaqadiisa.

Santos oo 34 jir ah ayaa hore loogu soo oogtay inuu khiyaameeyay taageerayaasha siyaasadda, isaga oo qariyay asalka lacagta uu ku galay olohiisa doorashada iyo mid uu isticmaalay xilli uu ahaa shaqa la'aan.

"Isku soo wada duub, eedeymaha dacwadda lagu soo oogay waxay Santos ku eedeeyeen inay ku tiirsan yahay daacad-darro soo noqnoqotay iyo khiyaanooyin" ayuu ku yiri hadal uu soo saaray Breon Peace, oo ah qareenka Mareykanka ee degmada Bariga New York.

Wax yar kadib doorashadii Santos ee 2022 si uu u matalo degmada hodanka ah ee New York Long Island, ayaa jariidadda New York Times iyo xarumaha kale ee warbaahinta ay shaaca ka qaadeen inuu ka been sheegay ku dhawaad wax kasta oo ku saaabsan taariikhdiisa shaqsiyeed iyo tiisa xirfadeed.

Reuters.

XS
SM
MD
LG