Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Pakistan oo xiray boqollaal ka mid ah taageereyaasha Imran Khan

Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) party activists and supporters of former Pakistan's Prime Minister Imran clash with police during a protest against the arrest of Former Pakistan prime minister Imran Khan, in Lahore on May 9, 2023.
Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) party activists and supporters of former Pakistan's Prime Minister Imran clash with police during a protest against the arrest of Former Pakistan prime minister Imran Khan, in Lahore on May 9, 2023.

Booliiska Pakistan ayaa xabsiga u taxaabay boqollaal ka mid ah taageerayaasha Ra'iisul Wasaarihii xilka laga tuuray ee Imran Khan, kadib rabshado ka dashay markii loo xiray eedeymo musuqmaasuq, sida ay sheegeen masuuliyiinta xisbigiisa.

Xarigga Talaadadii ee loo geystay laacibkii hore ee ciyaaraha cricket-ka, ahna siyaasiga ugu caansan Pakistan marka loo eego ra'yiga dadka Pakistan, ayaa kusoo beegmay waqti adag oo Pakistan ay wajahayso culeys dhaqaale.

Dowladda ayaa sheegtay in taageerayaasha xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ay weerar ku qaadeen dhismayaal muhiim ah oo dowladeed, ayna waxyeello gaarsiiyeen baabuurta gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha.

Booliska ayaa sheegay in 945 ka mid ah taageerayaashiisa lagu xiray gobolka Punjab kadib markii 25 baabuur oo boolisku leeyihiin iyo in ka badan 14 dhismo dowladeed oo la gubay.

Adeegga xogta mobilada ayaa xiran maalintii labaad halka Twitter, YouTube iyo Facebook ay wajahayaan cadaadis.

Maamulka saddex ka mid ah afarta gobol ee Pakistan ayaa soo rogay amar degdeg ah oo mamnuucaya dhammaan isu soobaxyada kadib markii taageerayaasha Khan ay isku dhaceen booliska.

Reuters.

XS
SM
MD
LG