Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Gabadha keliya ee ku jirta Baarlamaanka Somaliland 


Aaamina
Aaamina

Aamina Cilmi Fariid ayaa noqonaysa haweenayda keliya ee xubinta ka ah baarlamaanka haatan ka jira Somaliland, iyada oo doorashadii dhacday sannadkii 2021, aanay ku soo bixin wax haween ahi. Aamina Cilmi Fariid ayaa ku tilmaantay ka mid noqoshadeeda Golaha Wakiillada guul weyn oo Haweenka Somaliland u soo hoyatay.

Doorashadii golaha wakiillada ee ka dhacday Somaliland sannadkii 2005 ayay ku soo baxeen laba haween ahi, inkasta oo midkood ay xilkaas iska casishay.

Aamina ayaa loo dhaariyey xildhibaanimo dhawaan ka dib markii uu geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Nuur Cisman Guleed, waxaana si sharciga Somaliland qorayo buuxinaya jagada banaanatay musharixii ku soo xigay.

Weriyahayaga Khadar Cakule ayaa Hargiesa ku wareystay Xildhiban Aamina Cilmi Fariid.

Wareysiga gabadhii ugu horreysay oo gasha Baarlamaanka Somalilan.m4a
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:45 0:00

XS
SM
MD
LG