Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toogasho ka dhacday gobolka Texas ee Maraykanka oo 8 qof lagu dilay


Police respond to a shooting in the Dallas area's Allen Premium Outlets
Police respond to a shooting in the Dallas area's Allen Premium Outlets

Allen, Texas – Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay xarun laga dukaamaysto oo ku dhow magaalada Dallas ee gobolka Texas, halkaasoo uu ku dilay sideed qof, kuna dhaawcay toddoba Sabtidii, sida ay sheegeen masuuliyiin kala duwani.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidamada booliska oo ku sugnaa goobta weerarku ka dhacay.

Boolisku weli ma soo saarin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda ay yihiin dhibbanayaasha wax ku noqday weerarka iyo qofka toogashada geystay. Si kastaba ha ahaatee, caruur ayaa la rumaysan yahay inay ku jiraan dhibbanayaasha, sida ay sheegeen dad ku sugnaa xilligii weerarku dhacayey, xaruntan laga dukaamaysto.

Dhacdadan Sabtidii ka dhacday gobolka Texas ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee qayb ka ah toogasho wadareed ku soo noqnoqda Maraykanka.

AP

XS
SM
MD
LG