Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khabiir isaga casilay Google si uu 'uga digo' halista tiknoolojiyadda casriga ah


Artificial intelligence pioneer Geoffrey Hinton speaks at the Thomson Reuters Financial and Risk Summit in Toronto, December 4, 2017. (REUTERS/Mark Blinch)
Artificial intelligence pioneer Geoffrey Hinton speaks at the Thomson Reuters Financial and Risk Summit in Toronto, December 4, 2017. (REUTERS/Mark Blinch)

WASHINGTON— Saynisyahan ku takhasusay cilmiga farsamada casriga ah oo lagu naanayso "Aabbaha Maskaxda Macmalka ah" ayaa ka tegey shaqadii uu ka hayey shirkadda Google, si uu uga hadlo khatarta soo kordhaysa ee tiknoolojiyadda casiga ah, sida ay ku warantay warbaahinta Maraykanku.

Geoffrey Hinton oo ka mid ahaa, raggii seeska u dhigay maskaxda macmalka ah ee ay isticmaalaan Computer-adu "Artificial Intelligence" ayaa u sheegay wargeyska New York Times, in horumarka laga sameeyey farsamada casriga ahi, inayhalis ku tahay nolosha bulshada iyo aadanahaba.

"Bal eega sida ay ahayd shan sano ka hor, iyo sida ay haatan tahay" ayuu ku sheegay, qoraal lagu daabacay Wargeyska maalinimadii Isniinta. "bal eega farqiga iyo xawaaraha ay korodhay. waa arrin cabsi leh".

Hinton ayaa sheegay in tartanka u dhexeeya shirkadaha tekloojiyaddu inay keenayaan in shirkaduhu ay sii daayaan tiknoolajiyado cusub oo ku salaysan maskaxda macmalka ah oo cusub, taas oo ku socota xawaare aad u halis badan, waxaana arrintaasi ay halis gelinaysaa shaqooyinkii, iyo weliba in wararka aan saxda ahayni ay si fudud u faafi karaan.

"Way adag tahay, sidii loo xakamayn lahaa, jilayaasha xunxun ee doonaya inay si khaldan uga faa'iidaystaan" ayuu u sheegay wargeyska.

AFP

XS
SM
MD
LG