Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxa USAGM oo hortagtay golaha Senate-ka Maraykanka


WASHINGTON—Madaxa ugu sarreeya hay'adda warbaahinta caalamiga ah ee Maraykanka ayaa Arbacadii sheegtay in hay'adda ay hoggaamiso ay door muhiim ah ku leedahay arrimaha ka socda caalamka, si dhegaystayaashu u helaan warar lagu kalsoonaan karo oo dhexdhexaad ah, kana hortegaya warbaahinta ay maamulaan xukunnada keli-taliska ah.

Amanda Bennett, madaxa ugu sarreeya hay'adda warbaahinta caalamiga ah ee Maraykanka ayaa ka hor hadashay guddida arrimaha debedda ee golaha Senateka, kuwaas oo kormeera Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka iyo weliba hawlaha kale ee caalamiga ah.

"Maamulada keli-taliska ahi waxay adeegsadaan habab khaldan, warar been abuur ah, dacaayado iyo inay macluumaadka khalkhaliyaan, si ay u xaddidaan qulqulka xogta, si ay u wiiqaan helidda macluumaad xaqiiqada ku salaysan, oo ku saabsan adduunka ku xeeran. Xukuumadaha Shiinaha, Iran iyo Ruushku waxay inta badan ka wada shaqeeyaan sidii ay u xoojin lahaayeen saamayntooda aan hagaagsanayn," ayay tidhi Amanda Bennett.

USAGM ayaa ku qiyaasta inay dhegaystaan in ka badan 394 milyan oo qof toddobaadkii, macluumaadka ay baahiyaan. Congresska Maraykanka ayaa korjoogteeya hay'addan - oo maamusha Idaacadda Voice of America, Office of Cua Broadcasting iyo afar warbaahinood oo kale - maadaama ay dawladda Maraykanku bixiso kharashka ku baxa.

Amanda Bennett ayaa sheegtay in hay'adda ay maamushaa ay ku guulaysatay inay iskaashi la yeelato in ka badan 4,000 oo hay'ado warbaahineed ah, kuwaas oo ku kala yaalla daafaha caalamka, si looga hortago saamaynta hay'adaha warbaahineed ee ay dawladuhu maamulaan.

Sida laga soo xigtay USAGM, barnaamijyada ay baahiyeen RFE iyo VOA, waxaa in ka badan 8 bilyan oo jeer laga daawaday Ruushka iyo Ukraine, tan iyo markii uu bilaabmay duullaanka Ruushka ee Ukraine. Sidoo kale, afartii qof ee waaweyn ee Iran u dhashay midkood ayaa ku xidhan warbaahinta ay taageerto OTF, si ay u helaan macluumaad.

Waxaa qortay Katherine Gypson

XS
SM
MD
LG