Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruto: Dalalka Bariga Afrika ma aqbalayaan xukun militari oo ka taliya Sudan


KENYA-CABINET-RUTO-politics
KENYA-CABINET-RUTO-politics

Iyadoo ay ku dhowdahay bil tan iyo markii uu dagaalku ka dhex qarxay ciidamada Sudan, ayaa waxaa fashilmay dadaallo ay beesha caalamku taageereysay oo lagu doonayay in dalka laga dhaqangeliyo xabbad joojin ka dib markii ay dhinacyada dagaallamaya jebiyeen ilaa saddex mar oo lagu heshiiyay xabbad joojin.

Balse hogaamiyayaasha Bariga Afrika ayaa sheegaya in ay mamnuuci doonaan in gobolka uu ka hirgalo xukun militari.

Isagoo Talaadadii ka hadlayay magaalada Nairobi ayuu madaxweynaha Kenya William Ruto sheegay in Sudan ay horay u sameysay horumar dhanka maamulka ah, aysanna madaxda dalalka Bariga Afrika oggolaan doonin in waxa uu ku tilmaamay khilaaf yar uusan burburn guulahaasi la gaaray. Ruto ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dalkaasi lala xisaabtami doono.

“Ma haystaan sabab ay ku burburiyaan ganacsiga dadka, nolosha dadka, oo ay ku abuuraan qalalaase iyo rabsho aan loo baahnayn, iyadoo khilaafku uu yahay mid lagu dhamayn karo wadahadal,” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi raaciyay, “waxaa naga go’an in aan qaaradeenna ka joojinno in uu ka dhasho xukun milateri. Qaaraddu waa diyaar, waxaanna diyaar u nahay in aan dhisno hay’ado dimuqraadiyadeed iyo in dadka ku nool qaaraddan ay doortaan hoggaamiyeyaasha ay rabaan.”

Khubaro uu ka mid yahay Macharia Munene oo falanqeeya xiriirka caalamiga ah kuna sugan Kenya ayaa sheegay in inkastoo Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC uu ku guuldareystay in uu soo afjaro colaadda ka jirta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, haddana EAC ay haysato fursad ay ku qancin karto in milatariga Suudaan ay dagaalka joojiyaan maadaama ciidamada dalkaasi ay rajeynayaan in Sudan ay xubin ka noqoto ururka EAC ee ay ka mid yihiin dowr dalka oo ku yaalla Bariga Afrika.

Dagaalka Sudan ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 400 oo qof, iyadoo 800,000 oo qof oo kalana ay ku barakeceen tan iyo markii uu bilowday 15-kii April, sidaasina waxaa sheegtay Qaramada Midoobay.

Warbixintan waxaa soo dirtay wariyaha VOA, Victoria Amunga.

XS
SM
MD
LG